Ciidamada Jubbaland oo la wareegay deegaanka Buulo Xaaji

Published: December 28, 2019

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa waxay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Buulo Xaaji, oo qiyaastii 90km u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa Jimcihii bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta deegaanka Buulo Xaaji, oo in muddo ahba ay ka arrimineysay Al Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa waxay sheegeen inaanu dhicin wax dagaal ah, isla-markaana ay ciidamadu si nabadgelyo leh kula wareegeen deegaankaasi.

Wariye-yaasha ayaa waxay soo sheegayaan in ciidamada Jubbaland ay buuxiyeen wadooyinka soo gala Buulo Xaaji, ka hor intii aanay kala wareegin Al Shabaab.

Ka dib markii Ciidamada Jubbaland ay la wareegeen Buulo Xaaji ayaa la sheegay in isgaarsiinta la jaray, isla-markaana uu hakad ku yimid dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidkaba, sidoo kalana ay xirmeen goobaha ganacsiga.

General Aadan Maxamuud Ibraahim, Taliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay inay qaadayaan duulaan Shabaab looga saaraayo deegaanada Jubbaland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *