Rooble oo la shiraya Qoor-qoor, Guudlaawe iyo Midowga Musharixiinta

Published: April 28, 2021

Waxaa goordhaweyd magaalada Muqdisho shir uga furmey, Raysalwasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirhsballe iyo in badan oo kamid ah Midowga Musharixiinta oo ay kamid yihiin Madaxweynihii hore Xassan Sheekh Maxamuud iyo Raysalwasaare hore Xassan Cali Kheyre, hoggaamiyaha Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xubno kale.

Kulanka ayaa looga hadlaaya arrimaha doorashada iyo amniga magaalada Muqdisho.

Raysalwasaare maxamed Xuseen Rooble ayaa doonaya ka hor maalinta Sabtida ah in ciidamada taabacsan Midowga Musharixiinta kana soo horjeedey muddo kororsigu ay baneeyan xaafadaha ay soo degeen gaar ahaan degmooyinka Hodan, hawlwadaag iyo Cabdicasiis.

Midowga Musharixiinta ayaa u arkey khudbaddii Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Farmaajo mid boor isku qaris ah oo aan waxba soo kordhin, waxaana ay dalabanayaan in Raysalwasaaruhu si rasmi ah ula wareego amniga isla markaana yahay keligiis cidda amarka siin karta ciidamada haddii kale aan ciidamadooda dib loo celineyn.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *