Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub

Published: June 2, 2022

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh Somaliland iyo Abaaraha ku soo wajahan Geeska Afrika 

Waxaa kulanka si gaar ah loogu lafa guray abaarta ka jirta deegaanada Somaliland iyo sidii ay midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen arimaha Doorashada iyo abaaraha.

Madaxweynaha waxa ku wehelinaayey kulankaasi wasiir ku xigeenka Arrimaha dibedda, ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibeda, Cabdinaasir Cumar Jaamac  iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bille.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *