Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa wadamada Baxrayn iyo Aljeeriya

Published: May 1, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Macalin Faqi, ayaa maanta la kulmay dhiggiisa Boqortooyada Baxrayn, Abdullatif bin Rashid Al-Zayani, iyo Jamhuuriyadda Aljeeriya, Ahmed Attaf.

Wasiirka ayaa kala hadlay dhanka Bahrain xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dhinacyada iskaashiga.

Labada mudane ayaa soo hadal qaaday dadaallada lagu doonayo in xabad-joojin laga gaaro Qasa, ilaalinta dadka rayidka ah, gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo, iyo horumarinta geedi socodka nabadaynta, amniga iyo xasiloonida gobolka.

Horseed Media