Maamulka Hirshabeelle iyo Guddiga Gurmadka Qaran oo ka shiray qasaaraha ka dhashay dabkii Suuqa Jowhar

Published: September 6, 2024

 Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyo Guddiga Gurmadka qaran oo ay ugu horeyaan Wasiirada Wasaaraddaha, Cafimaadka, Waxbarashada, Guddoomiye SoDMA ayaa Xarunta NEOC ku qaatay kulan diiradda lagu saaray sidii jawaab soo kabasho looga bixin lahaa qasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinta SoDMA ee xaaladda suuqa ee lagu ogaaday safarkii u kuur galidda ahaa ee Guddoomiyaha Hay’adda ku tagay Jowhar, kaasi oo lagu xusay in dabku baabi’iyay 900 oo goobo ganacsi ah, burburiyay dhaqaale dhan $2 milyan ilaa 2.5 milyan, isla-markaana wax-yeelleeyay hab-nololeedka 5,000 oo qoys.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa Hay’adda SoDMA iyo Guddigu Gurmadka Qaran ku booriyay dedaalka socda ee dadka khasaaruhu gaaray lagu garab istaagayo, Guddiga ayaana ballan-qaaday in si wax-ku-ool ah loo taageeri doono dadka ceyrtoobay ee gacan-qabadka deg-degga ah u baahan.

Horseed Media