26 qof ayaa lagu diley duqeyn ka dhacdey gobolka Amxaaradda ee dalka Itoobiya

Published: August 14, 2023

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday fagaaraha magaalada Finote Selam lala beegsaday maleeshiyaatka Fano ee kasoo jeeda qowmiyada balse waxaa sidoo kale waxyeelo soo gaartay dad shacab ah

Ugu yaraan 26 qof oo rayid ah ayaa ku dhintey duqayn ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha wadin (drone) oo ka dhacday gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya sida laga so xiganaayo saraakiil caafimaad oo gobolkaas ku sugan.

Weerarkan duqaynta ah oo dhacay Axaddii ayaa ka dhacay magaalada Finote Selam, oo ka tirsan Galbeedka Gojam ee gobolka Amxaarada.

Dhakhtar ku sugan Finote Selam oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa sheegay in dadka kusoo dhaawacmay weerarkaas ay maanta oo Isniin ah soo gaareen cisbitaalka.

Saraakiisha cisbitaalka ayaa u sheegay wargayska The Guardian in 26 qof ay ku dhinteen ugu yaraan 50 kalena ay ku dhaawacmeen, taas oo ka dhigaysa weerarka mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii ay rabshaduhu ka qarxeen guud ahaan Axmaarada horraantii Agoosto.

Maleeshiyaadka Amxaarada ee loo yaqaan FANO ayaa taagerayey ciidamada dawladda xilligii uu socday dagaalkii ay kaga soo horjeedeen xoogagga Tigray.

Dagaalka FANO iyo ciidanka ayaa bilowday bishii April kadib markii dawladda federaalku ay amartay in maleeshiyaadka gobollada lagu daro ciidamada dawladda ee milatariga ama booliiska, taas oo FANO ay diidey.

Horseed Media