Madasha Xisbiyada Qaran oo shir ku yeeshay Dalka Turkiga.

Published: March 4, 2020

Dalka Turkigga Maanta waxaa lagu soo gabagabeeyay shir ay yeesheen madasha xisbiyadda qaran qaarkood ay ku miday-san yihiin, Shirkan oo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Madaxweynayaashi hore ee Puntland iyo Koofur Galbeed Galbeed Shariif Xasan iyo C/weli Gaas, Xildhibaano, senator iyo siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay DFS ayaa looga hadlayay ayaaha doorashada soo socota ee 2021, xaalada siyaasadeed, mida amniga iyo sidii Madashu oo isku duuban doorashada soo socota uga qeyb geli lahaayeen.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in laga soo saaro war-saxafadeed kaas oo ay si faah-faahsan madashu uga hadli doonto mawqifyadooda ku aadan siyaasada dalka, dagaalada dhawaan ka dhacay gobolka Gedo iyo Galguduud iyo arigtooda la xiriira in dalka ay ka dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *