Gudiggii Rugta ganacasiga Gobolka Banaadir oo la kala diray.

Published: January 25, 2020

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdilaahi Cali Xasan ayaa kala diray Maamulka Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Wasiirka ayaana ku sababeeyey kala dirista Maamulka ka dib markii ay cabasho kasoo gudbiyeen Gacansatada Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay wasiirku in dhawaan gudi cusub lasoo magacaabi doono kuwaas oo ay ka wada-tashan doonaan Ganacsatada Gobolka Banaadir, Maamulka Gobolka Banaadir iyo wasaaarada Ganacsiga.

Dhawaan waxaa soo baxayay warar sheegay in madaxda rugta ganacsiga ee la kala diray ay kaalin ku lahayd ururka Alshabaab, Masuuliyiinta la kala diray ayaa u xiran hay’ada nabad sugidda NISA sida ay warar hoose sheegayaan.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *