6 October, 2021
Golaha Midowga Murashixiinta ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay talaabada uu maamulka somaliland dadka…
Golaha Midowga Murashixiinta ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay talaabada uu maamulka somaliland dadka uga soo raafayo magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa lagu sheegay in falkaa gurracan uu dhaawacayo walaalnimada, ehelnimada iyo ummadnimada ka dhaxaysa dadka Soomaaliyeed.
Golaha ayaa ugu baaqay culimada, odayaasha,dhaqanka, aqoonyahanka iyo indheergaradka ka soo jeeda Somaliland in ay hor istaagaan falalkan lagu beegsanayo dadka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Koonfurta iyo Bartamaha dalka.
Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka
Horseed Media