Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guddi baaris oo ka…
Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guddi baaris oo ka kooban shan wasiir u magacaabay dhacdadii 27-ka December uu ku sheegay in looga hor-staagay xafiiskiisa, taasi oo uu ku tilmaamay afgambi.
Wasiiradaan ayaa kala ah:
1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.
2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.
3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.
4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.
5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.
Raysal Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah.
Khilaafka Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya ayaa cirka isku shareeray kadib markii uu Farmaajo shaqadii ka joojiyey Rooble.
Horseed Media