Wasiirkii Wasaaradda Dib-u-Heshiisiinta ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Eng Cabdikariim Cali Nuur ayaa shaaciyay in uu xilkii…
Wasiirkii Wasaaradda Dib-u-Heshiisiinta ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Eng Cabdikariim Cali Nuur ayaa shaaciyay in uu xilkii iska casilay.
Wasiirka ayaa is casilaadiisa u sababeeyey kaddib markii Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe uu fulin waayay Heshiiskii uu Beledweyne ku galay markii la xalinaayay dadkii kasoo horjeeday Maamulkiisa.
Wasiirka ayaa qoraalka is casilaadiisa ku gudbiyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen 14Kii Bishaan, isaga oo ku sheegay waxyaabaha ugu weyn ee uu isku casilay inay kamid yihiin.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayuu u sheegay Cabdikariin Cali inuu Go’aan ku gaaray inuu shaqada isaga tago, isagoona intaas kusii daray in dadkiisa aysan heysanin matalaadii ay ku lahaayeen Maamulka Hirshabeelle ama awood qeybsigii lagu ballamay.