Afgooye: Dhimasho & dhaawac ka dhacdey xaflad aroos, kadib dabley weerartay

Published: August 10, 2022

Rag la sheegay inay ku hubeysnaayeen Qoryaha AK47 ayaa weerar ku qaaday Goob ay ka socotay Xaflad Aroos oo kutaalla Tuulada Cadayleey oo u dhow degaanka Buulalow oo hoostaga degmada Afgooye, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac.

Inta la xaqiijiyay weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay 5 Ruux halka Sagaal kale ay ku dhaawacmeen, iyada oo dadka ku dhaawacmay weerarka la geeyay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in kooxda weerarka fulisay ay goobta isaga baxsatay, mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *