Dagaal beeleed ka dhacay duleedka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud

Published: August 18, 2022

Dagaal beeleed u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed ayaa dib uga qarxay duleedka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa dib uga billowday deegaannada Baalle iyo Dhagax-dheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan 1 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaad beeleedka dagaalamaya ayaa isku haya dhul daaqsimeed ku yaalla tuulada Baale oo hoostegta deegaanka Dhagax-dheer ee gobolka Galgaduud.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *