Maalinta Cuntada Adduunka Oo Laga Xusay Caasimadda Garoowe

16 October, 2022

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Shirka horumarinta Beeraha Puntland oo socon doona muddo…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Shirka horumarinta Beeraha Puntland oo socon doona muddo laba maalmood ah Kaasi oo maanta lagu soo aadiyay Maalinta cuntada Adduunka oo lagu xusay Garoowe.

Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay Dowladdu siinayso wax soo saarka, isagoo ku booriyay dadka Puntland in ay wax soo saarka badiyaan, Dowladuna ay diyaarinayso Qorshe lagu maalgelinayo si macquul ah ganacsata iyo dadka la yimaada hal abuurada ganacsi ee Beeraha iyo Horumarinta wax soo saarka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha oo soo diyaariyay Shirka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Wasiirada wadashaqeynta la leh Wasaarada Beeraha, lataliyeyaal Madaxweyne, Xildhibaano ka mid ah Golaha Wakiillada Puntland, Ururada Bulshada, Ganacsatada iyo Beeralayda Puntland.

Horseed Media