Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahu Deni ayaa magacaabay Gudoomiyaha iyo Xubnaha cusub ee Maxkamadda sare ee Puntland…
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahu Deni ayaa magacaabay Gudoomiyaha iyo Xubnaha cusub ee Maxkamadda sare ee Puntland
Madaxweyne Siciid Deni ayaa dikreeto uu soo saaray Xassan Yuusuf Nuur ugu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland, halka Axmed Sheikh Cumar Xassan loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda.
Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa magacaabay Xubnaha kale ee Maxkamadda sare kuwaas oo kala ah:
1. Saciid Axmed Faarax – Garsoore.
2. Maxamuud Cawad Cumar – Garsoore.
3. Saciid Maxamuud Maxamed – Garsoore.
4. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi – Garsoore Kayd ah.
5. Aadan Axmed Moxamed – Garsoore Kayd ah
Horseed Media