Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo Garoowe ku geeriyooday habeenkii Jimcaha

Published: November 18, 2022
garaad Saleebaan garaad Maxamed
Rabbi ha u naxariisto garaad Saleebaan

Rabbi ha u anxariistee waxaa habeenkii xalay ee jimacada ku geeriyoodey magaalada Garoowe Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ahaa isimiada waaweyn ee Soomaaliya ee soo jireenka ah.

Garaad Saleebaan ayaa ka mid ahaa Isimada fara ku tiriska ah ee ka nool asaasayaashii Puntland.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa Garaad loo caleema saarey isagaoo nin dhalinyaro ah, waxaana uu muddo ka soo shaqeeyey, nabadda, islaaxa iyo danta dadka ku dhaqan Puntland.

Waxaa lagu wadaa in aaska Garaadka ay ka qaybgalaan, madaxda Puntland, kuwa dowladda federaalka isimada Soomaaliyeed.

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun