Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey sharciga Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta

11 March, 2023

Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. Tallaabadan…

Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Tallaabadan ayaa waxey ka dhigan tahay in qof waliba ay tahay inuu qaato kaarka aqoonsiga (National ID).

Tani ayaa noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa xal u helista dhibaatada aqoonsi la’aanta, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, iyo la falgalka hey’adaha dowladda.

Wasaaradda Arrimaha guduha dowladda Soomaaliya, ayaa waxay qorshaynaysaa sanadkan gudihiisa hirgalinta hawshan.

Hindise sharciyeedkan, ayaa waxay golaha shacabka meelmariyeen Bishan March 1-geedii, sanadkan 2023, halka golaha aqalka sarana ay maanta gudbiyeen.

Dhanka kale Golaha aqalka sare ayaa isla maanta ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashiga Iyo Maalgashatada.

Horseed Media