Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda…
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Ahmed Jumah Alromaith.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.
Sidoo kale kulanka Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Ahmed Jumah Alromaith ayaa ka dooday sidii Dowladda Imaaraadka ay u sii xoojin lahayd taageerada ay siiso dhigeeda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Safiirka Imaaraadka Carabta ugu mahadceliyay booqashada uu ugu yimid Xafiiskiisa, kuna booriyay dadaalka ay waddo dolwaddiisa ee ah xoojinta xiriirka.
Horseed Media