12 April, 2023
Dawladda Jarmalka ayaa 48 saacadood u qabtay in ay dalkeeda kaga baxdo Maryama Cali Muuse oo…
Dawladda Jarmalka ayaa 48 saacadood u qabtay in ay dalkeeda kaga baxdo Maryama Cali Muuse oo ahayd safiirka waddanka Jaad u fadhiday dalka Jarmalka.
Xukuumadda Baarliin ayaa sheegtay in tan lagaga jawaabayo tallaabadii ay dawladda Jaad toddobaadkii hore ku eriday danjirohoodii Gordon Kricke.
Jaad ayaa Gordon Kricke ku eedeysey in uu u dhaqmay si ka baxsan Diblumaasiyadda iyo shaqadii loo igmaday.
Tallaabadan ayaa cirka kusii shareeri doonta khilaafka Diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee Jarmalka iyo Jaad.
Horseed Media