Warmurtiyeed laga soo saaray Shir-Madaxeedkii looga hadlayey amniga Soomaaliya

27 April, 2023

Madaxda dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo shir uga socday magaalada Kampala ee caasimadda dalka…

Madaxda dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo shir uga socday magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, 26-27 Abriil 2023, ayaa la soo gebagabeeyey waxaana la isku raacay qodobbo ay ka mid yahiin:

1-In la hirgaliyo habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024.

2- In la helo dhaqaale ku filan iyo taageero saadka ah oo la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, si ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, dhammaadka sannadkan.

3-In la qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.

4- Waxaa la bogadiyay guulaha Ciidanka Xoogga Dalka  ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada.

5-Waxaa hoosta laga xariiqay Qarannimada, Madax-bannaanida Siyaasadeed, & Midnimada Soomaaliya.

Horseed Media