Dibad baxyo ka bilowday dalka Pakistan, kadib markii la xiray Imran khan

Published: May 10, 2023

Dalka Pakistan waxaa ka bilowday dibad baxyo xooggan oo wata isku dhacyo, kadib markii ciidanka ay xireen Ra’iisal Wasaarihii hore ee Pakistan Imran khan

Isu socodka dadka , gaadiidka iyo ganacsiga ee magaalada Quetta ayaa hakad galay.

Hal qof ayaa ku dhintay mudaaharaadkaasi, kadib markii ciidanka ay dadka u istcimaaleen rasaas nool-nool.

Xariga Khan ayaa kusoo beegmaya xilli dadka caadiga ah ee Pakistan ay la daalaa dhacayaan xaalad dhaqaale xumo tii ugu xumayd ee soo marta tobannaan sano, iyadoo sicir-barar heerkiisu sarreeyo.

Horseed Media