Ciidamada Dowladdafederaalka ayaa sheegtay in ciidamada Xooga Dalka iyo shacab hubeysan ay qabsadeen magaalada Ceelgaras ee…
Ciidamada Dowladdafederaalka ayaa sheegtay in ciidamada Xooga Dalka iyo shacab hubeysan ay qabsadeen magaalada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo horey gacanta ugu jirtay kooxda Al-Shabaab.
Ceelgaras ayaa ka mid ahayd magaalooyinka al-Shabaab mudada dheer haysteen, waxaana qiyaastii 63km Koonfur bari uga beegatey Dhuusamareeb.
Warka qabashada Ceel-garas oo ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay iminka “halkaas ka wadaan howlgal sifeyn ah.”
Warbaahinta dowladda ayaa intaas ku dartay in ciidamada ay u suurta-gashay qabsashada magaaladan kadib markii ay ka baxeen maleeshiyada Al-Shabaab.
Kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadal warka ku saabsan in Ceelgaras ay ka baxday gacantooda, taasi oo dowladda ay ugu yeertay “guul-weyn oo laga gaaray” dagaalka Al-Shabaab.
Horseed Media