Deni oo Xaaji Bakiin u magacaabey Wasiirka Amniga

11 October, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa manata wareegto uu soo saarey ku magacaabey wasiirka Amniga dowladda…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa manata wareegto uu soo saarey ku magacaabey wasiirka Amniga dowladda Puntland, waxaana uu u magacaabey oday muddo dheer soo shaqeeyey Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin.

Wareegtada ayaa lagu yiri:

“Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: in Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland”.

Xilka wasiirka amniga Puntland ayaa banaanaa muddo aad u dheer kadib markii uu isaga tegey Wasiirkii hore Cabdisamad Gallan.

Muddo xileedkii Xukuumadda Madaxweyne Deni waxaa ka harsan muddo aad u yar.

Horseed Media