Mareykanka, Japan & Kuuriyada Koonfureed oo qalinka ku duugay iskaashiga difaaca

29 July, 2024

Wasiiradda Gaashaandhiga ee Japan, Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa Axadii saxiixay heshiis lagaga hortagayo “halista nukliyeerka…

Wasiiradda Gaashaandhiga ee Japan, Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa Axadii saxiixay heshiis lagaga hortagayo “halista nukliyeerka iyo gantaallada” ee Kuuriyada Woqooyi iyo caqabadaha kale ee amniga gobolka.

“Saxiixa heshiiskan, iskaashiga saddex geesoodka ah… waxa uu noqonayaa mid sii adkeeyana iskaashigooda oo aan isbedali doonin, xitaa marka la eego isbeddelada xaaladaha caalamiga ah,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Japan Minoru Kihara oo saxaafadda kula hadlay Tokyo, kaddib markii uu la kulmay xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin iyo wasiirka gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed, Shin Won Sik.

Saddexda wasiir, ayaa war-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen, waxay sidoo kale ku muujiyeen “walaac xooggan oo ay ka qabaan iskaashiga milatari iyo dhaqaale ee sii kordhaya oo u dhexeeya Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka, iyagoo ballan qaaday inay ka hortagayaan hanjabaadaha nukliyeerka iyo gantaallada ee Pyongyang.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisada ka taagan badda Koonfurta Shiinaha oo ay isku dhacyo ku dhex mareen maraakiibta Shiinaha iyo Philippine.

Tokyo, Washington iyo Seoul ayaa ka walaacsanaa sheegashada Shiinaha ee badda Koonfurta Shiinaha, iyagoo ku baaqaya nabadda iyo xasilloonida Taiwan, jasiirada dimuqraadiga ah ee iskeed isu maamusha oo ay Beijing u aragto “gobol” kamid ah dalkeeda.

Horseed Media