UGANDA: 36 kamid ah taageerayaasha mucaaradka oo lagu soo oogay dambiyo la xiriira Argagixisanimo

29 July, 2024

Maxkamad ku taalla dalka Uganda ayaa 36 kamid ah taageerayaasha mucaaradka kusoo oogtay dambiyo la xiriira…

Maxkamad ku taalla dalka Uganda ayaa 36 kamid ah taageerayaasha mucaaradka kusoo oogtay dambiyo la xiriira argagixisanimo, kaddib markii laga soo tarxiilay dalka ay deriska yihiin ee Kenya oo ay u tageen inay ka qaybgalaan tababar.

36-da qof oo ka tirsan xisbiga FDC oo kamid ah xisbiyada mucaaradka ugu weyn Uganda ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay.

Qareenka u doodaya Erias Lukwago, ayaa saxafiyiinta ugu sheegay bannaanka maxkamadda sare ee Kampala in eedeymaha ay yihiin “wax lagu qoslo”.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay jiraan dibadbaxyo ay dhigayaan dhallinyarada labada dal ee Uganda iyo Kenya, kuwaasoo ka cabanaya musuqmaasuq, canshuuro badan iyo cabashooyin kale.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa xiray 36-da qof kaddibna masaafuriyay kaddib markii ay 23-kii bishii July u safreen magaalada Kisumu ee galbeedka Kenya si ay uga qayb-qaataan tababar la xiriira hoggaaminta iyo maamulka, sida ay sheegeen qareenkooda iyo mas’uuliyiinta xisbiga.

Intii ay ku xirnaayeen dalka Kenya “waxaa lala wareegay hantidoodii oo ay ku jiraan kombuyuutar iyo taleefano, waa la jirdilay qaar badana waa la dhaawacay,” Kiiza Besigye, oo ah xubin muhiim ah oo ka tirsan xisbiga FDC, isla markaana ka soo horjeeda madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Mucaaradka iyo dadka u ololeeya xuquuqul insaanka ayaa in badan ku eedeeyay xukuumadda Museveni in ay eedeymo been abuur ah u adeegsata sidii ay isaga caabin lahayd mucaaradka.

Todobaadki hore ciidamada amaanka ayaa xabsiga dhigay in ka badan 100 dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Uganda kadib markii ay ka qeyb galeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo musuqmaasuqa baahsan ee madaxda dowlada.

Dibad-baxayaasha Uganda ayaa dhiirigelin ka helayay dibadbaxyo ay dhallinyaradu hormuud ka ahaayeen oo toddobaadyo ka socday Kenya, kuwaasoo ku qasbay madaxweyne William Ruto inuu ka noqdo canshuur kordhin uu soo jeediyay.

Horseed Media