Weriye Aljazeera iyo sawir qaade lagu dilay Duqeyn ay Israa’iil ku qaadday Gaza

31 July, 2024

Ismaciil al-Ghoul oo u shaqeynayay telefishinka Aljazeera ee Carabiga iyo sawir qaade Rami al-Rifi ayaa lagu…

Ismaciil al-Ghoul oo u shaqeynayay telefishinka Aljazeera ee Carabiga iyo sawir qaade Rami al-Rifi ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israa’iil maanta ku qaaday marinka Gaza.

Wariyeyaashan ayaa la dilay markii Arbacadii baabuurkooda lagu dhuftay gantaal nawaaxiga xerada qaxootiga Shati ee galbeedka magaalada Gaza.

Waxay u joogeen aagga si ay uga soo warbixiyaan meel u dhow guriga Gaza ee Ismail Haniyeh, hoggaamiyihii siyaasadeed ee Xamaas oo lagu dilay saacadihii hore ee saaka caasimadda Iran ee Tehran.

Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza ayaa sheegtay in 165 saxafi Falastiiniyiin ah lagu dilay dhulkaasi, tan iyo bilowgii duulaanka ay Israa’iil ku qaaday Marinka Gaza.

Horseed Media