Golaha Shacabka oo looga dooday qaadista Canshuurta VAT

20 August, 2024

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Isniintii ka dooday qaadista canshuurta Gadista ee loo yaqaan(VAT).…

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Isniintii ka dooday qaadista canshuurta Gadista ee loo yaqaan(VAT).

Xildhibaanada qaar oo ka hadlay kulanka ayaa soo dhaweeyay sida ay dowaladda uga jawaabtay cabashadii ay qabeen gancsatada, iyagoo gancsatada faray in ay bixiyaan Canshuurta si dalku u gaaro isku filnaasho.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Iimaan Cige oo ka hor hadlay golaha shacabka, ayaa sheegay in cabashada ganacsatada Muqdisho aysan ahayn canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay, balse ay culeysyo ka muujiyeen lacago kale oo laga qaado.

Wasiirka ayaa xusay in ganacsatadu ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay, taasna aanu ka jirin wax caqabad ah, balse dowladdu ay hadda ku hawlantahay in ganacsatada laga dul qaado culaysyada kale ee aan qaban.

Biixi ayaa sheegay in wax badan oo ka mid ah caqabadaha ay ka cawdeen ganacsatada la xaliyey, uuna la fariistay guddi ka socda, haatana la doonayo ilaa heer xukuumadeed in cabashadooda la gaarsiiyo, si go’aan mug iyo miisaan leh oo xal rasmi ah keeni kara looga soo saaro.