Orodyahanad u dhalatay dalka Uganda Rebecca Cheptegei ayaa geeriyootay maalintii Khamiista, maalmo kadib markii lagu shubay…
Orodyahanad u dhalatay dalka Uganda Rebecca Cheptegei ayaa geeriyootay maalintii Khamiista, maalmo kadib markii lagu shubay batrool kadibna uu saaxiibkeed ku gubay Kenya, weerarkan ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee lagu qaado gabdhaha dalkaasi.
Warbaahinta Kenya iyo Uganda ayaa sheegay in Cheptegei, oo 33-jir ah, kana qayb-gashay tartankii Olombikada Paris, ay gubtay in ka badan 75% jirkeeda weerarkii Axaddii, taasoo ka dhigaysa haweeneydii saddexaad ee cayaartoyda lagu dilo Kenya tan iyo bishii Oktoobar 2021-kii.
“Waxaan ogaanay geeridii murugada lahayd ee ku timid Orodyahankayada Olombikada Rebecca Cheptegeiā¦ka dib markii uu weerar xun ku qaaday saaxiibkeed,” Donald Rukare, oo ah madaxa guddiga Olombikada Uganda, ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay X.
“Nafta naxariista leh ha ku nasto, waxaanan si adag u cambaaraynaynaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka,” ayuu yidhi.
Orodyahanka oo kaalinta 44-aad ka galay magaalada Paris ayaa la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Eldoret ee dalka Kenya kadib markii uu weerarku dhacay.
Horseed Media