Xoghayaha Ururka IGAD oo lagu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho

Published: September 16, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa goor-dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Xoghayaha fulinta Urur gobaleedka IGAD Dr’ Workneh Gebeyehu.

Ujeedka safarka ee Dr. Workneh  Gebeyahu Xog-ahayaha Urur gobaleedka IGAD, ayaa ah sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo xoojinta Amaanka Gobalka.

Sidoo kale wax ka qabashada xaaladaha kala duwan ee uu wajahyo gobalka, sida isbeddelka Cimillada, sugnaanta cuntada, nabadda, Awood-siinta Haweenka iyo dhalinyaradda oo door wannaagsan ku leh geeddiga horumarineed ee bulshada geeska Afrika.

Horseed Media