DF oo sheegtay inuusan hakad ku iman duullimaadyadii Muqdisho iyo Baydhabo

Published: September 17, 2024

Hay’adda Duulista Rayidka u qaabilsan dowladda federaalka Soomaaliyeed ayaa sheegtay inaysan jirin isbeddal ku yimid duulimaadyadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba.

Maamulka koonfur galbeed ayaa sheegay in maanta xanibaad lagu soo rogay rakaabka ka imaanaya Muqdisho ama ka dhoofaya garoonka diyaaradaha ee Baydhabo, sidoo kale Senator Aadan Cabdinaasir ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in dagaal qaawan ay ku qaaday shacabka koonfur galbeed

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineeysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbeddel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaad-yadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba:.

Wararka ka imaanaya Koonfur Galbeed waxay sheegayaan in diyaarado sida rakaab oo ka yimid magaalada Mogdisho ay ka soo dageen garoonka diyaardaha ee Baydhabo.

Horseedmedia