Jordan ayaa sheegtay in Israa’iil ay bariga dhexe ku riixayso dagaal gobolka ka dhasha

Published: September 18, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Jordan Ayman Safadi ayaa ka hadlay dhacdadii ay Israa’iil ku weerartay nidaamka isgaarsiinta Pager-ka oo ay isticmaalaan ururka Xisbullaah ee dalka Lubaan la qarxiyay.

Israa’iil waxay Bariga Dhexe oo dhan ku khasbaysaa inay qarka u fuulaan iskahorimaadka gobolka, iyadoo la wajahi doono xiisad khatar ah oo dhinacyo badan leh, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan Arbacadii.

Hadalka ayaa yimid kadib shir kooxda xidhiidhka wasiirrada Islaamka iyo Carabta ku yeesheen caasimadda Jordan ee Amman si ay ugu ololeeyaan xabbad-joojinta Gaza.

Ayman Safadi waxa uu sheegay in nabaddu aanay guulaysan doonin haddii aan la helin xal laba dawladood ah.

Horseed Media