Agaasimaha Ciidanka PSF oo qoyskiisa lagu weeraray magaalada Boosaaso

Published: September 22, 2024

Agaasimaha Ciidanka Difaaca Puntland ee PSF ayaa warbaahinta Horseed Media u xaqiijiyey in gaari Land cruiser ah oo isagu leeyahay ayna la socdeen qoyskiisa lagu rasaaseeyay magaalada Boosaaso.

Qoyska agaasimaha ayaa xilligaasi ka soo laabtay xagaa bax, isla markaana badqabaan balse faahfaahin intaasi dheeri ah dhacdada kama bixin.

Dhacdada lagu weeraray qoyska agaasimaha ciidanka difaaca Puntland ee PSF, wali kama hadlin laamaha amaanka degmada iyo gobolka Bari.

Horseed Media