Lafta-gareen oo Baydhabo dib ugu laabtey iyada oo shirkii GWQ fashil ku dhamaadey

Published: October 17, 2024

Baydhabo: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed oo loo yaqaano Lafta-gareen ayaa dib ugu laabtay magaalada Baydhabo kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu muransanaa ee ka socday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay guddi uu ka mid yahay ku-simaha guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha degmada Baydhabo, saraakiisha ammaanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Lafta-gareen uga qeyb galay Muqdisho ayaa u muuqda mid ku soo dhamaaday is afgaranwaa. Wararka ayaa sheegaya in madaxda ay ku heshiin waayeen arrimaha doorashada heer federaal iyo heer maamul goboleed, taasoo keentay in wada xaajoodka uu burburo. Qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada oo uu ka mid yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor hore ka dhoofay caasimadda, taasoo muujineysa in shirka uu si degdeg ah u soo dhamaaday.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warsaxaafadeed uu xalay soo saaray ku sheegay in shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uu fashil ku yimid, isagoo sheegay in natiijo la taaban karo aysan ka soo bixin, taas oo dalka khatar ku ah.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa hadda aaminsan in kulankaan uu natiijo la’aan kasoo baxay ay ka dhigan tahay fursad la lumiyay oo lagu gaari lahaa heshiis siyaasadeed oo macno leh.

Burburka ku yimid wada-hadallada heer qaran ayaa mugdi gelinaya siyaasadda Soomaaliya, taas oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo in dalkaay ka qabsoonto doorashooyinkii la qorsheeyay iyo in la ilaaliyo xasilloonida iyada oo laga hortagayo caqabadaha jira.

Iyadoo Madaxweyne Lafta-gareen uu dib ugu soo laabanayo howlihiisa shaqo ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa la is weydiinayaa sida ay dowlad goboleedyada u maareyn doonaan is mari waaga siyaasadeed iyo tallaabooyinka la qaadayo si xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer maamul goboleed.

HORSEED MEDIA