Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ku geeriyooday dalkaTurkiga

3 December, 2024

Alle ha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ka tirsanaa aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday dalka Turkiga, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Marxuumka ayaa xaaladdiisa caafimaad muddooyinkii dambe lagula tacaalayey dalka Turkiga, geeridiisa ayaa waxaa ka tacsiyeeyey xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka JFS iyo madaxda kale ee dalka.

Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) wuxuu ahaa siyaasi si weyn looga yaqaan gayiga Soomaaliyeed, wuxuuna xilal ka qabtay dowladda Puntland, isagoo kasoo noqday madaxweyne kuxigeen.

Sidoo kale, marxuumku wuxuu hadda kamid ahaa xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku matala dowladda Puntland.

Horseed Media