Isbahaysiga Nato oo eedayn usoo jeediyey Madaxweynaha Ruushka

4 December, 2024

Madaxa cusub ee NATO, Mark Rutte ayaa sawir xun ka bixiyay hoggaanka Ruushka, isagoo sheegay in madaxweyne Vladimir Putin “uusan daneynin nabadda.”

Isagoo tixraacaya dagaalka Ukraine ee uu Ruushku bilaabay Febraayo 2022, Xoghayaha Guud Mark Rutte wuxuu yiri: “Wuxuu cadaadis saarayaa, isagoo isku dayaya inuu qabsado dhul badan. Sababtoo ah wuxuu u maleynayaa inuu jebin karo go’aanka Ukraine.”

“Ukraine waxa ay gelaysaa jiilaal kale oo muhiim ah, Putin waxa uu kor u qaadayaa hadaladiisa iyo ficilladiisa aan ka fiirsashada lahayn,” Rutte, oo xilka la wareegay bishii hore, ayaa ku sheegay shir jaraa’id ka hor shir ay wasiirrada arrimaha dibadda NATO ku yeesheen Brussels.

Sida laga soo xigtay Rutte ayaa sheegay inuu Putin Ukraine ka dhigayo goob lagu tijaabiyo gantaalada tijaabada ah, isagoo u diraya dagaalka askarta Kuuriyada Waqooyi.

Waxaa intaa dheer, wuxuu yiri, “Ruushka iyo sidoo kale Shiinaha waxay isku dayeen in ay xasillooni darro iyo khal-khalgelin abuuraan, weerarro internet-ka ah, iyo madowga tamarta.”

Horseed Media