Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii dalbatay 47 bilyan oo doolar oo gargaar ah sanadka 2025 si loo caawiyo ku dhawaad 190 milyan oo qof oo ka soo cararay colaadaha iyo gaajada, xilli baaqa sanadkan aan xitaa la bixin kala bar, mas’uuliyiintana ay ka cabsi qabaan in la dhimo dalalka reer galbeedka oo ay ku jiraan deeq bixiyayaasha ugu sarreeya, ee Maraykanka.
Madaxa cusub ee gargaarka Qaramada Midoobay Tom Fletcher, waxa uu ku tilmaamay gaajada “heer aan horay loo arag”, Qaramada Midoobay ayaa rajeynaysa in ay gaarto dadka ku nool 32 wadan sanadka soo socda, oo ay ku jiraan kuwa ku sugan dalalka dagaalada ay aafeeyeen sida Sudan, Siiriya, Qaza iyo Ukraine.
“Waxaan u baahannahay inaan dib u soo celinno xiriirka aan la leenahay kuwa ugu baahida badan adduunka,” ayuu yiri Fletcher, diblumaasi hore oo British ah oo noqday madaxa Xafiiska Isku-xirka Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) bishii hore.
“Waa inaan si buuxda diiradda u saarnaa sidii aan u gaarsiin lahayn kuwa ugu baahida daran, oo runtii aan naxariis lahayn.”ayuu sii raaciyey.
Qaramada Midoobay ayaa 2024 ka jartay codsigeedii $46 bilyan ilaa $56 bilyan sanadkii hore iyadoo rabitaanka deeq-bixiyayaashu ay meesha ka baxeen, laakiin weli 43% kaliya ayaa la maalgeliyay, mid ka mid ah heerarka ugu xun taariikhda. Washington waxay bixisay in ka badan $10 bilyan, qiyaastii kala bar dhaqaalihii la helay.
Shaqaalaha gargaarka ayaa ku qasbanaaday inay sameeyaan doorashooyin adag, iyagoo jaray gargaarka cuntada 80% Suuriya iyo adeegyada biyaha ee Yemen ee u nugul daacuunka, OCHA ayaa tiri.
Horseed Media