Kuuriyada Koonfureed oo lagu soo rogay Xaalad Deg-Deg ah & Sharciga dagaalka

4 December, 2024

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk Yeol, ayaa khudbad aan la sii shaacin xalay xili dambe telefiishanka ka sheegay in uu soo rogayo sharciga dagaalka, isaga oo sheegay in tallaabadani ay lagama maarmaan u tahay in “dalka laga ilaaliyo xoogagga shuuciga ah ee Kuuriyada Waqooyi iyo in meesha laga saaro waxyaabaha ka soo horjeeda dawladda.”

Waxa uu ku andacoodey in go’aanka la qaatay in dalka laga saaro xoogaga taageersan Kuuriyada Waqooyi iyadoo la ilaalinayo nidaamka dastuuriga ah ee xorta ah. Waxa uu meesha ka saaray in wax isbedel ah lagu sameyn doono balan qaadyada siyaasadeed ee dowladiisa ee ku aadan in ay ka soo baxdo mas’uuliyadeeda caalamiga ah.

Yoon, oo tan iyo markii uu xafiiska qabtay 2022 la tacaalayay sidii uu ajandaha dowladdiisa uga gudbin lahaa baarlamaanka ay mucaaradku maamulaan, ayaa sheegay in uusan haysan wax kale oo aan ahayn in uu ku dhawaaqo sharciga dagaalka ama xaalad deg deg ah.

Go’aankiisa ayaa yimid kadib markii xisbiga mucaaradka ah ee Dimuqraadiga (DP) uu ansixiyey sharciga miisaaniyada la dhimay, waxayna soo gudbiyeen mooshin xil ka qaadis ah hanti-dhowraha dawladda iyo xeer ilaalinta guud.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa shir isugu yeeray taliyeyaasha muhiimka ah, wuxuuna ku booriyay feejignaan dheeri ah, sida ay wasaaraddu bayaan ku sheegtay gelinkii dambe ee Talaadadii.

Ku dhawaaqista ka dib, waxaa la mamnuucay dhammaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, isu imaatinka iyo bannaanbaxyada.

Hogaamiyaha xisbiga DP, Lee Jae-myung ayaa dhaleeceeyay ku dhawaaqista Yoon oo uu ku tilmaamay “mid aan dastuuri ahayn”.

Lee ayaa yiri; “Madaxweyne Yoon wuxuu ku dhawaaqay sharciga dagaalka degdegga ah sabab la’aan…Taangiyada, baabuurta gaashaaman, iyo askar qoryo iyo seefo sita ayaa dhawaan dalka maamuli doona.”

Lee wuxuu sheegay in baarlamaanku uu isku dayi doono inuu meesha ka saaro ku dhawaaqida madaxweynaha ee sharciga dagaalka.

Kulan deg deg ah oo uu Barlamaanka yeeshay ayey aqlabiyadda golaha ku laaleen go’aanka Madaxweynaha. Balse lama oga tilaabada ay qaadi doonaan militariga.

Horseed Media