Dowlada Federaalka oo ciidamo horleh geysay Raas-kambooni

4 December, 2024

Cutubyo cusub oo ka tirsan xoogga dalka ayaa maanta gaaray deegaanka Raas-kambooni ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo todobaadyadan ay ciidanku ka wadeen dhaqdhaqaaq.

Taliyaha guutada 18-aad ee Gorgor gaashaanle dhexe Xasan Ciraaqi ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ujeedada ay ciidanku halkan u yimaadeen inay tahay xoojinta la dagaalanka argagixisada iyo inay qaataan masuuliyadda ilaalinta ammaanka xuduudaha, maadaama saldhigyo gobolkaas ku yaal ay baneeyeen ciidamada ATMIS.

Waxa uu xusay Taliye Ciraaqi in ciidamadan aysan duulaan ku ahayn deegaan nabad ah, balse masuuliyadoodu ay tahay ciribtirka Khawaarijta iyo difaaca shacabka.

Shalay, war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawada dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu sheegay in la hakiyey duulimaadkii garoonka diyaaradaha magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose, taasi oo aan dhaqan-gelin.

Horseed Media