Dowlada Faransiiska ayaa wajaheysa cod kalsooni kala noqosho ah kadib markii ra’iisul wasaare Michel Barnier uu meel-mariyey miisaaniyada iyadoo aan baarlamaanka ansixin.
Sida la filayo, waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee dowlad Faransiis ah sidan oo kale loo riddo in ka badan muddo 60 sano ah.
Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu codeeyo ka dib markii uu ka doodo laba mooshin oo ay soo gudbiyeen xisbiga garabka bidix iyo kuwa midigta fog, kuwaas oo marka la isku daro tiro ka badan 330 xildhibaano ah.
Mooshinka kalsooni kala noqoshada wuxuu u baahan yahay ugu yaraan 288 oo kamid ah 574 kursi si uu u gudbo.
Xisbiga midigta-fog ee National Rally (RN) ee Marine Le Pen ayaa la filayaa inay u codeeyaan mooshinka ay soo gudbiyeen garabka bidix, taasoo siinaysa tiro ku filan oo uu ku gudbi karo.
Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa in uu dib ugu soo laabto dalka Faransiiska isagoo booqasho rasmi ah ku joogay Sacuudiga.
Horseed Media