Israel oo duqeysay caasimada Siiriya ee Dimishiq

Published: October 21, 2024

Duqeyntan dhacday galabnimadii Isniinta ayaa la sheegay inay ku dhinteen 2 qof oo saarnaa gaariga duqeyn lala beegsaday oo marayey degmada Mazzeh oo ah halka ay ku yaal xarumaha dowlada, safaaraddaha iyo Taliska Sirdoonka.

Degmada Mazzeh oo sidoo kale ay ku taal xarunta Qaramada Midoobay ee Dimishiq ayaa waxaa horey sidan loola beegsaday duqeynta Israel.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Siiriya ayaa lagu sheegay in labo qof oo rayid ah duqeyntan lagu dilay, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Horaantii bishan ayey Israel sidan u duqeysay xarumaha shibilka ee ku yaal Mazzeh, waxaana ku dhintay ugu yaraan 7 qof.

Bishii Abriil ayey Israel duqeyn la beegsatay Qunsuliyadii Iran ku lahayd isla deegaankaasi, halkaasi oo ay ku dhinteen saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Jamhuuriga Iran, arrintaasi oo keentay duqeyntii jawaabta u ahayd oo ay Iran markii ugu horeysay la beegsatay Israel.

Horseed Media