Xisbullah oo bartilmaameedsatay Tel Aviv, ayaa carqaladaysay garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion

Published: October 22, 2024

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay subaxnimadii Talaadada in ay gantaallo ku garaaceen Tel Aviv iyo Haifa, halka weriyayaashu ay soo sheegeen in Israa’iil ay duqayn cusub ka geysatay deegaanka Al-Laylaki ee waqooyiga garoonka diyaaradaha ee Beirut.

Hezbollah ayaa bayaano kala duwan ku sheegtay in subaxnimadii ay duqeeyeen Nirit Dome iyo saldhigga Glilot ee qaybta sirdoonka milatariga ee 8200 ee duleedka Tel Aviv.

Xisbiga ayaa sheegay in ay gantaal la hagayey la beegsadeen taangi ay Israa’iil leedahay oo lagu magacaabo Merkava oo yaal buurta Aqaba ee magaalada Rab Thilin, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay shaqaalihii la socday. Waxa uu sidoo kale sheegay in dagaalyahannadiisa ay la dagaalameen ciidamada Israel markii ay gudaha u galeen duleedka magaalada Taybeh ee koonfurta Lubnaan, halkaasi oo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ururka Xisbullah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay gantaal la dhaceen isku imaatin ay askarta Israa’iil ku lahaayeen deegaanka Misgav ee magaalada Cammaan.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in 16 askari loo wareejiyay cisbitaalka Ziv ee magaalada Safed, iyagoo sheegay in ay ku dhaawacmeen dagaallo ka dhacay koonfurta Lubnaan.

Horseed Media