Xildhibaano heer Federaal ah oo Garoowe lagu soo dhaweeyey

Published: October 24, 2024

Wafdi ballaaran oo ka kooban Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala dowladda Puntland ayaa maanta lagu soo dhoweeyey caasimadda Puntland ee Garoowe.

Xildhibaanada federaalka waxaa garoonka diyaaradaha Maxamed Abshir kusoo dhoweeyey guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Maxamed Maxamuud Awoowe oo ay weheliyaan xubno ka tirsan goleyaasha Dawladda Puntland.

Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ayaa uga mahadceliyay Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya iyo Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya inay ka soo qeybgalaan munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada oo dhici doonta Sabti, 26-ka Oktoobar, 2024 Haddii Alle idmo.

Horseed Media