Puntland oo taageertey Jubaland in ay doorashadeeda qabsato

Published: October 26, 2024

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 55-aad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa sheegay in ay markasta taageersan yihiin dastuurka iyo sharciga, sidaas darted waxaan hoosta ka xariiqeynaa in Puntland ay Dowladda Jubaland ku taageersan tahay in ay doorashadeeda qabsato.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in guddiga doorashada Jubaland ay si habsami leh u qabsadaan doorashooyinkooda.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa khudbadiisa ku sheegay in awoodda dowladda federaalku aysana hayn in ay baajiso Doorashooyinka Dowladdaha xubnaha ka ah sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo hadda wakhtioodi dhaafey, awoodeedu ay tahay in ay dowladaha xubnaha ka ah ku ilaaliso dastuurkooda ee aysan ahayn in ay jebiso.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqey Dowladaha kale ee Galmudug Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed in ay ilaaliyaan dastuurkooda oo qabtaan doorashoyinkoodi.

Xiriirka Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa xumaa tan iyo doorashadii 2022.

Go’aanka Puntland ka soo baxay ayaa ku soo beegmaya iyada oo maanta lagu wadey in uu qabsoomo shirkii golaha Wadatashiga Qaranka kaas oo wejigiisi hore fashil ku dhamaadey. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa diidey in uu Muqdisho dib ugu soo laabto.

HORSEED MEDIA