Khamenei oo sheegay inaan la buunbuunin weerarada Israa’iil

Published: October 27, 2024

Maanta oo Axad ah, hogaamiyaha ugu sareeya Iran Cali Khamenei ayaa ku baaqay in aan la buunbuunin ama aan la yaraysan weerarada ay Israel ku qaaday Iran waxa uu sidoo kale ka hadlay in la jahawareeriyo xisaabaadka Tel Aviv iyo in la fahmo heerka uu gaarsiisan yahay awooda dalkiisa.

Wakaaladda wararka ee Tasnim ee Iran ayaa ka soo xigatay Khamenei isagoo ku sugan magaalada Tehran kulan uu la yeeshay qoysaska Iraniyiintii dhintay “Weerarka kooxda Sahyuuniyadda ee dhacay laba habeen ka hor waa in aan la buunbuunin ama la yarayn.”

Waxa uu sheegay in go’aan ka gaarista sidii Israa’iil loo fahamsiin lahaa heerka ay gaarsiisan tahay xoogga iyo rabitaanka Iran ay mas’uul ka tahay mas’uuliyiinta, taasina ay tahay in loo sameeyo maslaxada Iiraan iyo shacabkeeda.

Hogaamiyaha Sare ee Iran ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in “lagu jahawareeriyo xisaabaadka hay’adda Sahyuuniyadda,” wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso amniga Iran.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa hubaal ah in nabadgelyadu tahay baahiyaha ugu muhiimsan ee dal kasta iyo bulsho kastaaba u baahan yahay, haddii aanay nabad-gelyo ka jirin bulshadana aanay waxba ka jirin, maadaama aanay dhaqaale jiri doonin, cilmi la’aan, horumarna jirin, qoysna aanay jirin. “

Horseed Media