Weerar gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Israel

Published: October 27, 2024

Hal qof ayaa lagu dilay ugu yaraan 35 kalena waa lagu dhaawacay bannaanka saldhig ciidan oo ku yaalla bartamaha Israa’iil Axaddii, kaddib markii uu gaari jiidhsiiyay, sida ay sheegtay warbaahinta.

Warbaahinta Israa’iil ee KAN ayaa sheegtay in baabuur xamuul ah uu ku jiiray dad taagna boosteejada basaska ee Ramat Hasharon ee Glilot, waqooyiga Tel Aviv.

Adeegga ambalaasta ee Israel ayaa sheegay in nin u dhintay dhaawac halis ah, halka ugu yaraan 35 qof ay ku dhaawacmeen weerarka.

Ugu yaraan 10 qof oo dhaawac ah ayaa ku sugan xaalad halis ah.

Saldhigga milatari ee Glilot waa xarun sirdoon oo muhiim ah waxayna hoy u tahay Taliska 8200 ee ciidanka, oo mas’uul ka ah ururinta sirta.

Saldhigga ayaa sidoo kale martigeliya dugsiga sirdoonka militariga iyo xarunta hay’adda sirdoonka ee Mossad ee Israel.

Booliska ayaa sheegay in darawalka gaariga ay toogteen dad goobta ku sugnaa.

Wargeyska maalinlaha ah ee Israa’iil ee Maariv waxa uu dareewalka magaciisa ku sheegay Rami Nator, oo kasoo jeeda magaalada Qalansawe, oo ah magaalo Carbeed ee badhtamaha dhulka Israa’iil heysato.

Horseed Media