Doorashada USA: Qaar kamid ah Muslimiinta gobolka Michigan oo taageeray Trump

Published: October 27, 2024

Koox hogaamiyeyaal Muslimiin ah oo caan ah ayaa Donald Trump kala qeyb galay isu soo bixiisa ololaha doorashada oo ka dhacay gobolka Michigan ee dalka Mareykanka si ay ugu shaaciyaan taageerada ay u hayaan musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada ee 5-ta Nov.

Hogaamiyayaasha ayaa soo qaatay go’aankii madaxweynihii hore ee ahaa in la soo afjaro khilaafaadyada.

“Annagu haddaan nahay Muslimiin, waxaan garab taagannahay Madaxweyne Trump, sababtoo ah wuxuu ballanqaadayaa nabad,” ayuu Imaam Belal Alzuhairi u sheegay isu soo baxan oo ka dhacay xaafadda duleedka magaalada Detroit ee Novi. “Waxaan taageereynaa Donald Trump sababtoo ah wuxuu ballanqaaday inuu joojinayo dagaalka bariga dhexe iyo Ukraine. Dhiiga daadanaya waa inuu joogsadaa aduunka oo dhan, waxaana u maleynayaa in ninkani uu taasi keeni karo.”

Trump, ayaa isna carabka ku adkeeyay in codbixiyayaasha Muslimiinta iyo Carabta ee Michigan iyo guud ahaan dalka ay doonayaan “in la joojiyo dagaallada aan dhammaadka lahayn iyo soo celinta nabadda Bariga Dhexe.”

“Taasi waa waxa ay rabaan,” ayuu yidhi.

Duulaanka Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7, 2023, Trump wuxuu hore u sheegay in uu u oggolaan doono Israa’iil in ay “dhammayso dhibaatada” dagaalka ay kula jirto Xamaas, taas oo muujinaysa taageerada ficillada Israel ee Gaza.

Dhaqan ahaan taageeridda Dimuqraadiyiinta, bulshada Muslimiinta ah ee Michigan ayaa si isa soo taraysa uga soo horjeeda maamulka Biden sababtoo ah taageerada shuruud la’aanta ah ee Israa’iil, iyada oo sii kordhayaan tirada dhimashada rayidka ee Gaza.

Qiyaastii 300,000 oo qof oo ka soo jeeda Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ayaa deggan gobalka Michigan, oo u dhiganta 3.1% dadweynaha gobolka.

Biden ayaa kaga adkaaday Trump gobalka Michigan ee dalka Mareykanka tartankii madaxtinimo ee 2020-kii, isagoo helay in ka badan 150,000 oo cod, taasoo si weyn uga duwan 2016, markii Trump uu wax ka yar 11,000 cod kaga guuleystay murashaxii Dimuqraadiga Hillary Clinton.

Horseed Media