Baarlamaanka Israa’iil ayaa Isniintii ka mamnuucay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) inay ka…
Baarlamaanka Israa’iil ayaa Isniintii ka mamnuucay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) inay ka shaqeyso dhulka Israa’iil xooga ku heysato.
Beesha Caalamka ayaa si adag u cambaareysay sharciga ay ansixiyeen Xildhibaanada Israel ee lagu mamnuucayo hay’ada qaabilsa gargaarka qaxootiga reer Falastiin ee UNRWA, go’aankan oo ah mid ka horimaanaya sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Xildhibaanada ayaa sharcigan ku meel mariyay 92 cod halka 10 kalena ay ka soo horjeesteen, kadib sanado badan oo ay Israel dhaleeceyn kulul u jeedineysay hay’adda UNRWA, taasoo sare u kacday tan iyo markii uu dagaalka Gaza ka bilowday.
Mamnuucidda hay’adda Qaramada Midoobay — oo bixisa gargaarka muhiimka ah iyo gargaarka guud ahaan dhulka Falastiiniyiinta iyo qaxootiga Falastiiniyiinta ee deegaanada kala duwan in ka badan todobaatan sano — waxay dhabar jab ku noqon doontaa shaqada bini’aadantinimo ee Gaza haddii la fuliyo, sida ay khubaradu sheegeen.
Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshaha Israa’iil ay dooneyso inay gebi ahaan Falastiiniyiinta uga horjoogsato inay mustaqbalka dib ugu noqdaan dhulkii laga boobay ee Israa’iil heysato, sidoo kale qorshahan ayaa ah mid qeyb ka ah in laga saaro meesha hay’ada kaliya ee hada qaabilsan gargaarka Falastiiniyiinta.
Israa’iil ayaa horey weeraro iyo duqeynmo ulla beegsaday xarumaha UNRWA ee Gaza oo ay ku sugan yihiin barakacayaasha, isla markaana dilay in ka badan 120 shaqaalaha hay’adda.
Inta badan dadka ku nool Gaza oo ay hada xasuuqa ku wado Israa’iil ayaa kasoo jeeda qoysaskii horey looga soo baro-kiciyey dhulkooda xiligii la aasaasay maamulka Israa’iil 1948dii.
Qodobka qaxootiga ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee u burbureen heshiisyadii horey la isugu dayey in la dhex dhigo Falastiin iyo Israa’iil, iyadoo Israa’iil diidan tahay in dadkaasi reer Falastiin dhulkooda iyo hantidoodii maguurtada ah dib ugu soo noqdaan.
Horseed Media