Koonfurta iyo Bariga Spain waxaa ka dhacay fatahaad culus kuwaas oo geytey khasaaro nafeed iyo mid…
Koonfurta iyo Bariga Spain waxaa ka dhacay fatahaad culus kuwaas oo geytey khasaaro nafeed iyo mid dhaqaale.
Ugu yaraan 62 qof ayaa ilaa hadda la helay meydkooda, waxaana markasta kor u kici kara tirada dhimashada.
Duufaano xooggan ayaa Talaadadii shalay dhaliyay fataahada ku dhuftay qeybo ka mid ah koonfurta iyo bariga Spain. Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gawaari ay la tagayaan biyaha uurada ah.
Daadadkan waxay khasaare ballaaran ka geysteen gobolka Málaga ee koonfurta Spain iyo gobolka Valencia ee ku yaala bariga.
Dhimashada ugu badan ayaa ka dhacdeyn gobolka Valencia, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah, waxaana jira dad badan oo raq iyo ruux ilaa hadda la hayn, jooga biyaha roobka ayaa gobolka Valencia gaarey 200 milimitir.
In ka badan 1,000 askari oo ka socda qaybaha gurmadka degdegga ah ee Spain ayaa la geeyay goobaha ay dhibaatadu saameysey waxaana dowladda dhexe ay dhistay guddi degdeg ah oo gacan ka geysta isku xirka dadaallada samatabbixinta.
Carlos Mazon, hogaamiyaha gobolka Valencia, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in dadka qaar ay ku go’doonsan yihiin meelo aan la geli karin.
Raysal wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay in dowladdu “aysan dayici doonin” kuwa ay saameeyeen daadadka.
“Dhammaan Spain way idinla murugoonaysaa dhammaantiin. Muhiimadayada kama dambaysta ah waa inaan idin caawino kuma ” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay X.
Digniin cimilada la xiriirta oo aad u daran ayaa weli ku jirta qaybo badan oo dalka Spian ka mid ah.
HORSEED MEDIA