Israil oo duqeyn ka geysatey Beit Lahiya waqooyiga Qaza ku dishey dad ku dhaw 100 qof

30 October, 2024

Duqeymo halis ah ayaa ciidamada Yuhuuddu ka geysteen dhismo ay deggan yihiin dad rayid ah oo…

Duqeymo halis ah ayaa ciidamada Yuhuuddu ka geysteen dhismo ay deggan yihiin dad rayid ah oo ku yaalla magaalada Beit Lahiya ee waqooyiga Gaza, waxaa ku dhintay duqeynta ama la la’yahay dad ku dhaw 93 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan ugu yaraan 20 carruur ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in shaqaalaha samatabbixintu ay ku shaqeynayaan xaalado daran, iyagoo la halgamaya sidii ay u gaari lahaayeen kuwa ku hoos xanniban burburka.

Ismaaciil Al-Thawabta, oo ah agaasimaha xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza, ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada ee hadda jirta, oo la filayo inay korodho maadaama meydad badan la soo saaray.

Israa’iil ayaan weli ka hadlin weerarka Beit Lahiya. Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa dhacdadan ku tilmaantay “mid laga naxo,” iyadoo ku dartay welwelka caalamiga ah ee isa soo taraya iyadoo ay sii kordhayaan tirada dhimashada rayidka ee Gaza.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo baaritaan hufan, isagoo ku tilmaamay mid ka mid ah weerarradii ugu dhimashada badnaa ee bilihii la soo dhaafay.

Intaa waxaa dheer, sharci dhawaan ay soo saartay Israa’iil ayaa ka mamnuucaya Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka iyo shaqada ee qaxootiga Falastiin (UNRWA) inay ka shaqeyso Israa’iil, taasoo dhalisay walaac ay ka qabaan xulafada reer galbeedka ee Israa’iil oo ah in dhibaatada bini’aadantinimo ee Gaza ay sii xumaan doonto.

HORSEED MEDIA