Hanti-dhawraha guud: “Maamulka maaliyadda Puntland sida uu hadda ku socdo kuma shaqeyn karo”

Published: October 30, 2024
by: Horseed Staff

Xafiiska hantidhawrka guud ee Puntland aya soo qabanqaabiyey shir ku saabsan dib u eegista caqabadaha ka yimid isla xisaabtanka xafiiska hantidhawrka guud uu la yeeshey hay’adaha dowladda Puntland.

Hantidhawraha guud ee Puntland Mudane Cismaan Maxamuud Cali oo shirka ka hadley ayaa sheegay in siyaasadda ama habka haatan lagu maamulaayo maaliyadda Puntland aysan ahayn mid shaqeyn karto oo lagu sii socon karo.

Cismaan Maxamuud Cali ayaa sheegay in maalintii shalay ay la kulmeen agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Puntland haatana shirkan ay u qabteen agaasimayaasha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradaha ujeedkuna yahay in la saxo khaladaadka dhanka xisaabaadka iyo maaliyadda ee Puntland.

Hantidhawraha guud ee Dowladda Puntland Mudane Cismaan Maxamuud Cali ayaa sheegay in caqabadaha jiraa ay u qaybsan yihiin kuwo aqoonyari ay keentey, kuwo dayac ku yimid iyo kuwo ku talagal iyo ulakac ku yimid, kuwaas oo qaarkood ay ka dhalan karaan denbiyo xabsi lagu muto.

Hantidhawrka guud ee Puntland Mudane Cismaan ayaa sheegay in uu ka shaqeynaayo sidii uu kor ugu soo qaadi lahaa sumcadda Puntland, meesha uu ka soo qaadi karaana ay tahay maamaul-wanaaga iyo hufnaanta maamulka iyo maaliyadda.

HORSEED MEDIA